Waxaa maanta si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska dhameestiran ee Filimka Chhapaak kaaso ka hadlaayo xaqiiqo dhab ah oo nolosha dhabta ah ah dhacday waxaana mashruucan hogaamineyso atiriishada Deepika Padukune.

Chhapaak waxuu ka hadlaa nolosha gabadha lagu magacaabo Laxmi Agarwal taaso bilawgii qarnigan wajiga si run aashito looga shubay waxaana oga shubay nin iyada jeclaa oo ay jacelkiisa iska diiday gabadhaan geesinimo ayee muujisay waana mid maanta tusaale loo soo qaato inkastoo quruxda wajigeeda ay weysay hadana nolosha wey la dagaalantay.

Heer weyn ayeena is gaarsiisay hadaba Deepika Padukone ayaa go’aan ku gaartay inee dadka dunida kunool barto nolosha gabadhaan kartida muujisay shaashada ayeena kujishay safarkii nolosha ee Laxmi Agarwal.

Chhapaak waxaa Director ka ah Meghna Gulzar waana Filim qiiro iyo dhiirogalin u ah bulsha weynta oodhan si qaas ah dumarka dhibkaan oo kale la kulmaan inaba caadi ma ahan Deepika sida ay shaashada kaga dhabeysay nolosha gabadhaan quruxdeeda lagu ciyaaray abaal marin walba Deepika in la gudoonsiiyo waa waajib.

2018 waxay la timid Padmaavat 2 sano kadib ayaa shaashadaha xidigtaan lagu arki doonaa maadama 10 Janaayo 2020 la daawan doono mashruucan hadaba goos gooskan muuqaalka ugu qiirada badan ayaa ah midka Deepika muraayada isku eegeyso kadibna qeeylineyso waa muuqaal dad badab ka calool xumaadeen bal hoos ka daawo goos gooska Chhapaak:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here