Home » Wararka Maanta » Deg deg: goos gooska filimka Tiger Zinda Hai oo lasoo bandhigay kani waa Blockbuster dhameestiran (+video)

Deg deg: goos gooska filimka Tiger Zinda Hai oo lasoo bandhigay kani waa Blockbuster dhameestiran (+video)

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka ugu weyn uguna hadal heynta badan Bollywood-ka 2017 la imaadaan mid kale ma ahan waa Tiger Zinda Hai.

Mega Star Salman Khan iyo Katrina Kaif filimkooda TZH waxaa laga soo bandhigay goos goos ka sareeyo wax walbo oo laga filaayay waxaana durba la isku raacay inuu yahay Blockbuster aan dood laheyn!

Tiger Zinda Hai waa qaybta labaad filimkii Blockbuster-ka noqday 2012 Ek Tha Tiger waxaana laga dhigay qaybta labaad mid caalami ah oo si casri ah loo sameeyay dhanka Action-ka iyo isku daba riska fariintiisa.

Director Ali Abbas Zafar waqtiga faraha badan ee uu galiyay TZH inuu ka macaashi doono dood kama taagno madaama goos gooska filimkaan durba lala cajabay sida loo sameeyay weliba Action ahaan waa mid halis walbo si caalami ah loo diyaariyay.

Fadlan hoos ka daawo shabeelka Bollywood-ka oo soo laabtay iyo wacdaraha uu dhigaayo goos gooska TZH sidoo kalena kama liidato Katrina Kaif:

8 Responses to Deg deg: goos gooska filimka Tiger Zinda Hai oo lasoo bandhigay kani waa Blockbuster dhameestiran (+video)

  1. Qorane

    November 7, 2017 at 9:41 am

    Salmaan taagero uma ahi balse waa xaqiiq filkam inuu banaanka yaalo waxaan u rajeenayaa inuu jabiyo scoreka bahubali2 nasiibwacan

  2. Qorane

    November 7, 2017 at 9:52 am

    Sababaha uu salmaan sarakaca u wado waxay tahay inuu fahansanyahay heerkiisa iyo sheeekada uudooranayo oo isu qalma waana sheekooyin legend(halyeey) ah waana xaqiiq inuu guushiisa siiwadan doono inta uu dooranayo sheekooyinkaan cml ah ma ahan sida shahrukhan oo dooranayo sheekooyinka dhalinyarada sida filimkiisa udanbeeyay iyo midka hda usoosocdaba ee uu celinka kujilayo wxa habonaan lahayd inu garto heerkiisa ama maqaamkiisa waana sababaha ay aflaantiisa iskudhaca ula kulmaan maadama aan laga filayn halyeynimo sorry for that waxan ahay taageero shahrukhan oo walaac kamuujinayo sheekooyinkaa uu dooranayo

  3. Tornado

    November 7, 2017 at 10:33 am

    Salman filimada actionka ah wuu kusoo baxaa xaqiiqdii waxaan ugu jeclahay filimadiisa Ek the tiger iyo Bodyguard oo sheeko ahaan aan caadi ahayn
    Been mafiicna Shah rukh sheekada uu waayahan dooranayo waa sheekooyin aad uliita hadii uu intaas kaliya badalo waa halyay aan caadi ahayn balse ninka waa la cayuumay ayaan umalaynayaa hhhhhhh

  4. Moha a.k

    November 7, 2017 at 11:10 am

    Salman khan wa filimkii labad an arko inu tayo leyahay bajaranji markii laga soo tago salman wa u shidan tahay runti wa u ka baxsaday

  5. qasim

    November 7, 2017 at 12:10 pm

    waakaa filimkii aan sugayay 5 sano tiger is back all the time Bolocbuster is coming 400cr wuu dhaafi doona

  6. Abdulkadir Aftaab

    November 7, 2017 at 2:09 pm

    waa flop yaa igula sharad tamaayo kii hore magaaro filmkaan sheeko ahaan

  7. Yonis

    November 7, 2017 at 5:06 pm

    Anigoo ah taageere Amirkhan filimkaan inaba caadi ma ahan waa filim si heer sare loo sameeyay salman khan waa ka baxsayay doorkisa waxaase kasii fiicneed in Amir khan filimkaan loo dhiibo wuxuu kasii dhigi lahaa heer sare balse Amirkhan Thugs of Hindostan ayuu Mucjiso kusoo bandhigi doonaa.excellent movie

  8. flimside fans

    November 7, 2017 at 5:24 pm

    guuul salman khan Atpb