Gully Boy waa mashruuc India ay ku faanaan maadama uu u tartamay bilada weyn ee Oscar-ka balse kuma guuleysan saas eetahay abaal marino kale ayuu hantay balse caawa kooxda filimkaan farxad uma dhino.

Daqiiqado kahor Gully Boy waxaa la gudoonsiiyay abaal marinta Filimfare ee Best Filim ah waxaana Director ka ahed Zoya Akhtar halka Ranver Singh, Alia Bhatt Kalki Koechlin, Siddhant iyo kuwa kale jileen.

Xaflada abaal marinta Filimfare hader wey socotaa abaal marino badan ayaana la bixiyay sida atoore caawiyaha ugu wanaagsan oo la gudoonsiiyay Siddhant Chaturvedi oo uu ku qaatay Gully Boy waxaana la sugayaa abaal marinada waaweyn in la bixiyo.

Sido kale xidigo badan ayaa xaflada caawa kasoo qeyb galeen halka kuwa kalena hader ku qulqulayaan dhamaa sawirada xidigahan oo dhameestiran waan idiin la wadaagi doonaan xaflada kadib balse hader waxaan soo Update gareyneena abaal marinada sida live-ka loo bixinaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here