Dunida maanta waxaa saameyn weyn ku noqday cuddurka dilaaga ah ee Coronavirus kaaso kala joogsi ku sameeyay ganacsigii, waxbarashadii iyo dhamaan is dhexgalka dadka waxaana cad inuu ka awood batay basharka wadamada adduunkana si weyn ayuu ugu faafay.

Dadka xili hore ayee taxaddar iyo kahortag bilaaweyn Superstar Dilip Kumar ayaana kamid ah dadkaas xidigaan ayaa isaga shakiyay inuu kudhucay cudurkaan sidaa aawged kahortag ayuu sameynayaa si cabuuqa uusan u saameynin.

Dilip ayaa karantiil isku sameeyay si uu kaga hortago Caabuqa halista badan waxuuna bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkan,”nafteyda ayaan karantiil ku sameeyay si aan kaga hortago caabuda halista badan ee Coronavirus sido kale Saira (xaaska Dilip) waxha iilama aysan harin sidee iiga caawin laheed inuusan caabuqan igu dhicin.”

Dilip waa 97-jir kana kamid ah 8-Mega Stars ee taariikh ahaan fanka hindiya leeyihiin 50-maadkii ayuuna awood balaaran ku heestay Bollywoodka sido kale waxaa loo yaqaana magaca “boqorkii murugada” maadama aflaamtiisa inta badan qiiro iyo murugo ahaayen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here