Maalmo kahor waxaa lasoo bandhigay kaartooyinka Filimka xiisaha iyo xamaasada leh ee Houseful 4 kaaso uu hogaamiye ka yahay Superstar Akshay Ku.ar halka ay ku weheliyaan Riteish Deshmukh, Bobby Deol, Kriti Sanon, Kriti Kharbanda iyo Pooja Hegde iyo waliba kuwa kale.

Hadana waxaa xigay in laga soo bandhigay goos gooskiisa dhameestiran (Trailer) kaaso si weyn loo soo dhaweeyay dadkii daawadeen weyba ku jaha wareerin sida shactirada leh ee fariinta loo dhigay aawged waxaana lagu qiyaasay inuu Blockbuster noqon doono.

Hadaba maanta waxaa markale laga so bandhigay heeskii kowaad mashruucan oo la magac baxday Ek Chumma Waxaana kasoo muuqanayaan Akshay Kumar iyo xidigaha kale.

Filimka Housefull 4 waa taxanaha Housefull qeybtiisa 4-aad oo uuna maalgalinaayo Sajid Nadiadwala waxaana tiyaatarada la saari doona 25 October 2019 oo ku beegan xili Diwali ah fadlan hoos ka daawo heeska Ek Chumma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here