Waxaan soo helnay wararkii udambeyeen ee kiiska Sushant Singh Rajput kusaabsan waana arin kale oo shaki weyn sii dhalin karto kuna saabsan gabadha uu Sushant Singh guursan lahaa ee Rhea Chakraborty.

Horey waxaan u ogeyn in Rhea qiyaantay Sushant oo ay xiriir la laheed oday Mahesh Bhatt kaaso ah Alia Bhatt aabahed sido kale waxaan ogeyn inee Sushant lacag badan ka qaadatay buuqna ku furtay kana tagtay maalmo kahor geeridiisa hadaba hader xog kale ayaa jirto.

Qoyska Sushant waligood kama helin gabadhaan markuu noolaa ayee dhihi jireen Rhea kahar qof fiican ma ahan xitaa walaashiis dhowr jeer ayee sidaas isugu dagaaleen balse ma aamini jirin wiilkan ileen jaceyl ayaa hayey dhanka kale Rhea iyo Sushant walaashiis iskuma fiicneen oo Instagram-ka xitaa saaxiib kuma ahan.

Waxaa la sheegay Rhea ineysan imaanin maalintii meeydka Sushant la gubaayey baaritaan dheer kadibna waa lasoo ogaaday waliba ineysan imaanin waxaa ka dambeyeen qoyska Sushant oo ku amreen ineysan imaanin maadama ay necbanaayen taasi bedelkeeda waxay joogtay ama ku booqatay isbitaalka markii meeydkiisa la baaraayey halkaas mar ayeena aragtay oo ay lama gubaayo ilaa aan ka arko.

Nasiib wanaag xiligaas qoyska Sushant Mumba ma aysan soo gaarin weyna ka faaideysatay intee safarka kusoo jireen ayee isbitaalka kusoo aragtay durbana wey kasoo tagtay waxaa la sheegay qoyska Sushant inee dhaheen geerida wiilkeena waxaa usabab ah oo aan u heysanaa Rhea Chakraborty.

Asaxaabey xaalka waa xun yahay Police-kana lama oga sababte talaabo uqaadi la’yihiin ilaa hada cadeyn cad ayaan raadineena ayee kujiraan sido kale 24-June bishaan dacwada maxkamada Bihar ayaa furmi doonto oo Rhea iyo shaqsiyaad kale Bollywoodka dacwo loo heysto ayaa laga doodi doonaa wixii soo kordho waan isla joogmaa Insha’Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here