Atooraha caanka ah ee Hollywood iyo Bollywood-ka la shaqeeyo Irrfan Khan ayaa la xaqiijiyay in isbitaal Mumbai ku yaalo la dhigan sidoo kalena xaaladiisa aad u daran tahay waxaana haatan shaaca laga qaaday in Irrfan xaalka ku xun yaha kuna jiro qolka gar gaarka deg dega ah ee bukaanka aadka u liitaan xaalad ahaan.

Dhaqaatiirta isbitaalka Kokilaben ee Mumbai ku yaalo ayaa si rasmi ah xaalada Irrfan Khan kaga hadleen madaama isbitaalkooda la dhigay waxayna xaqiijiyeen in dheef shiidka infection xidigan kaga dhacay kadibna asigoo miir daboolan isbitaalkooda la keenay haatana ay ku dadaalayaan sidii uu xaalad caadi ah ugu soo laaban lahaa.

Irrfan Khan mudo labo ku dhawaad wuxuu ka maqnaa shaqada filim jilista asigoo xanuunka kansarka kasoo kabsaday wuxuuna dhawaan kusoo rogaal celiyay filimkii Angrezi Medium oo Kareena Kapoor Khan kula jirtay lana daawaday 13-kii Maarso 2020.

Sidoo kale Irrfan Khan xaalkiisa nololeed ma wanaagsano waayo dhawaan hooyadiis Saeeda Begum ayaa geeriyootay isagana haatan isbitaal ayaa la dhigay waxaan u rajeenaa inuu soo kabto kana baxo xaalad adag ee uu ku jiro inkastoo xaaskiisa Sutapa Sikdar iyo labadiisa wiil haatan isbitaalka kula jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here