Irrfan Khan oo lagu tiriyo mid kamid ah jilayaasha Bollywoodka ugu qaab jiliinka wanaagsan ayaa daqiiqado kahor la xaqiijiyay geeridiisa waxuuna ku geeriyooday isbitaal kuyaalo magaalada Mumbai.

Irrfan ayaa xalay isbitaalka Kokilaben la dhigay waliba qeybta gargaarka deg dega ah (ICU) maadama xaaladiisa aad u culused waxaana laga haayey dheefshiidka oo caabuq kaga dhacay dhanka kale Irrfan 4-maalin kahor geeriyootay hooyadiis kadibna jilaagan xanuun ayaa ku bilawday geerida hooyadiis kadib sida la sheegay.

Khan waxuu ifka kaga tagay labo wiil oo lagu kala magacaabo Babil Khan iyo Ayan Khan isagoo 53-jir ah ayuuna geeriyooday jilaagan aadka loo jeclaa geeridiisa ayaana India oodhan iyo daafaha caalamka waqtigaan la hadal hayaa oo aad looga naxsanyahay.

Mudo gaaban kahor ayuu Irrfan kasoo kabtay cudurka kansarka waxuun kusoo laabtay shaqada Filim jilista Filimkiisa udambeeyay waxuu ahaa Angrezi Medium oo la daawaday bishii Maarso waxaana xusid mudan in maalintii labaad ee Filimkaan tiyaatarada saarna albaabada loo laabay guud ahaan tiyaatarada oodhan oo bandow ayaa la galiyay India oodhan Coronavirus aawgii.

Director Shootij Sircar ayaa Twitterka ku shaaciyay geerida Irrfan reerkiisana tacsi udiray run ahaantii Bollywoodka maanta tacsi ayaa utaalo balse aysan awood ulaheen inee isugi imaadaan.

3 COMMENTS

  1. Runti wa geri naxdin Leh ina ilayhi wa inalayhi rajucuun Rib Irfan Khan waxa aha jila qab jiliin calamiya leh ilahay haku naxriisto waligey wan ku xasusnan dona waxa utac siyaynaya dhamn qoskiisa saxibadiisa gar ahaan xaas kiisa iyo labadiisa wiil kuli nafsu da iqatu mowt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here