Sushant Singh Rajput oo kamid ahaa jilayaasha dhalinta Bollywoodka usoo kaceen ayaa maanta lasoo warinayaa inuu is dilay nafsadana is dhaafiyay waxaana meeydkiisa laga helay gurigiisa xaafada Bandra ku yaalo ee magalaada Mumbai.

Ilaa iyo hada lama oga sababta dilkiisa ka dambeysa balse waxaa la ogaa inuu kaligiis ku noolaa guriga Bandra mudadii bandowga hindiya ka jiray ee laga cabsi qabay caabuqa Covid-19 arinkaan ayaa hindiya si weyn usaameeyay daqiiqadii lasoo dhaafay.

Waxaa wax lala yaabo ah jilayaashii indhaha u ahaayen shacabka dunida ee shaashadaha laga daawanaayey inee nafsada is dhaafiyaan oo ay is dilaan Sushant waxuu ahaa jilaa qaab jiliin fiican oo xidigo caan ah lasoo shaqeeyay.

Bollywoodka tacsi ayaa u taalo maanta maadama uu ka baxay wiil dhalinyaro ah misane shumac u ahaa Bollywoodka iyo jiilka cusub Police-ka ayaa baaritaan ku wadaan sababta dhimashadiisa ka dambeysa iyo inuu is dilo waloo la sheegay inuu xanuunsanaa mudooyinkii dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here