Kiran Kumar waa mid kamid ah jilayaashii ugu caansanaayen bari samaadkii aflaam fara badan ayuuna kasoo muuqday door laadarnimo ama xumaan ah ayuuna inta badan shaashada ku jili jirah hadaba jilaagan ayaa laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Kiran ayaa saxaafada si Online ah wareysi usiiyay waxuuna shaaciyay in caabuqa laga helay bartamihii bishaan May isagoo hadlaayana waxuu yiri,”bilawgii bishaan May ayaa iska shakiyay kadibna waxaan booqday isbitaalka si aan usoo hubiyo baaritaana isugu sameeyo ugu dambeyn 14 May ayaa la iga helay Corona sida la xaqiijiyay.”

“Balse wax calaamado ah iskuma arag wixii markaas ka dambeyay xaaladeyda caafimaadna waa nabad qabaa wax dhib ah ima heysto sida qandho, qufac, neef-qabatiin iyo waxii lamid ahba guriga qoyska dabaqa labaad ayee daganyihiin aniga kaligeyna dabaqa seddexaad ayaa isku karantiilay si qoyskeyga wax dhiba ugaarsiinin.”

“26 bisha ama 27 ayaa markale isbitaalka booqan doonaa si aan u hubiyo inaan wali Positive ahay balse waqtigaan la joogo waan caafimaad qabaa” 74-jirkaan ayaa sidaas usheegay saxaafada xili uu qadka taleefanka kula hadlaayey.

Kiran Kumar aflaamtiisa ugu caansan waxaa kamid ah Dhadkan, Sapoot, Mujhse Shaadi Karoge iyo kuwa kale oo badan sido kale musalsalada Tv-ga laga daawado ayuu kasoo muuqan jiray dhamaan taageerayaashiisa caafimaad deg deg ayee u rajeyeen.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here