Viju Khote waa mid kamid ah halyeeydii hore ee Bollywoodka aflaam badan ayuuna kasoo muuqday oo uu doorar kala duwan kujilay waayihisa fanka hindiya aad ayaana loo ammaanay bandhigiisa.

Balse doorkiisa ugu caansana abid waa doorka Kaalia ee Filimkii Sholay waxuuna katirsana ciidamada Gabbar Singh (Amjid Khan) ee Filimkaas doorkiisa labaad ugu caansan Bollywoodka waa midka uu kulahaa Andaz Apna Apna ee Salman Khan iyo Aamir Khan hogaamiyaal ka ahaayeen.

Rugcadaagan maanta ayuu dunida macsalaameyay waxuuna u geeriyooday xanuuno badan oo hayeen mudooyinkana wuuba xanuunsanaa saaka subaxii markii ay qoyskiisa so wada kaceen asoo meeyd ah aa la arkay oo hurdada ayuu ku geeriyooday.

78 jir ayuu ku dhintay Jilaaga Sholay kaaso sameeyay 300 Filim ka badan sido kalena aflaamtiisa Marathy ayee u badnaayeen maanta reer hindiya wey ka tacsiyoonayeen xidigaan si qaas ah dadkii ay isla soo shaqeyeen intuu fanka kujiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here