Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay abaal marinta caanka ah ee Pantene Altin Kelebek waana abaal marin udhiganta Filimfare ama sida loo jecel yahay Filimfare markii India la joogo ayaa abaal marintaana loo qadariyaa.

Sanadkii mar ayaa la qabtaa waxaana hader lasoo bandhigay guud ahaan musharaxiinta abaal marintaan sido kale guuleystayaashana codeyntooda ayaa socoto oo waa lasoo saari doonaa inta ku guuleysata.

Abaal marinta waxay leedahay oo lagu bixiya qeybo kala duwan sida qeybta atooraha ugu fiican, atiriishada ugu fiican, atoore-caawiye, atiriisho-caawiso, kaabo laadar, Director-ka ugu fiican iyo qeybo kale.

Hadaba Jilayaasha Hercai ayaa si weyn kaga soo muuqdeen musharaxiintan u tartamayaan biladan qeybaheeda kala duwan sidee ayeese ugu kala tartamayaan abaal marinta balanbaalista dahabiga ah:

Atooraha ugu fiican Miiraan Ayaa u tartamaayo oo jilayaal kale ayaana asi la tartamayaan balse waxaan magacaaweyna kaliya jilayaasha Hercai katirsan ee abaal marinta qeybaheeda kala duwan kasoo muuqdeen.

Reyyan atiriishada ugi fiican ayee u tartameysaa Gol gabadha ugu da’da yar mida ugu fiican ayee u tartameysa. Lamaanaha ugu fiican waxaa u tartamayaan Miiraan iyo Reyyan.

Qarash gareeyaha ugu fiican Jim ayaa u tartamaya waana qarash gareeyaha Hercai. Sido kale Hercai waxay kaloo u sharaxantahay qoraaga ugu fiican abaal marinta ah iyo Music-da ugu fiican abaal marinta ah waana soo bandhigeynaa guuleystayaasha oo dhameestiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here