Atiriishada caanka ah Kajal Aggarwal ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday inee guursaneyso waxaana marhore idiin la wadaagnay warar xan ah oo arooskeeda sheegayaan iyo xidigtaan oo sheegtay xiligaas inee goordhow shaacin doonto guurkeeda.

Kajal ayaa ugu dameyn shaacisay qoraal rasmi ah oo ay Twitter-keeda soo dhigtay waxay ku sheegtay in 30 bishaan October arooskeeda dhici doono waxayna tiri iyadoo hadleysa.

“Sharaf weyn iyo farxad weyn ayee iitahay inaan idiin la wadaago arooskeyga waxaan idiin  sheegaya in arooska aniga iyo Gautam Kitchlu uu dhici doono 30 October waliba Mumbai ayuu ka dhici doonaa waan jeclaan lahaa inuu noqdo aroos weyn oo laga soo wada qeyb galo balse xaalka Karona oo jiro aawged xaflad gaar ah ayaan dhigan doonaan.”

“Oo ay kasoo qeyb gali doonaan kaliya labada qoys iyo asaxaab gaar ah waad ku mahadsantihiin sida aad marwalba ii garab istaagteen waxaana rajeynayaa inaad iigusoo duceyn doontaan safarka cusub ee nolosheyda aan geli doono balse marnaba ma joojin doono madadaalada daawadayaasheyda (jilista Fiimada).”

Gautam waa nin ganacsade ah oo reer Delhi ah kaaso in mudo ah ku han weynaa guurka atiriishada ugu quruxda badan koonfur India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here