24-saac udambeysay atiriishada caanka ah Kajal Aggarwal ayaa shaaca ka qaaday inee guursaneyso iyadoo ka qeyb galeyso barnaamij Tv-yada koonfur India kabaxa ayaa arooskeda wax laga weydiiyay arinkaana sidaas ayee ku shaacisay.

Kajal waa mid kamid ah atiriishooyinka ugu caansan koonfur India maqaam weyna ka gaartay howsheeda fanka hindiya xidigtaan waxaa la dhahaa waa mida ugu quruxda badan atiriishooyinka koonfur India mudadii 2-sano udambeysay waxaa la isla dhexmaraayey arooskeeda iyo xiliga uudhacaayo.

Kajal oo arinkaan ka hadashay waxay tiri,haa waa run goordhow waan guursan rabaa waliba si rasmi ah ayaan doonayaa inaan shaaca oga qaado wiilka nolosheyda kusoo biiray, xiliga arooska iyo wax walbo balse hader waxaan cadeynayaa in qaban qaabada arooska xitaa bilaawatay.”

Wararka waxay intaas ku dareen inuu guursanaayo nin ganacsade caan ah oo kasoo jeeda dhulweynaha Aurangabad kaaso shirkado badan leh mudo ayuuna doonayey inuu xidigtaan guursado ugu dambeyna wey ka ogolaatay.

Kajal waxay kamid tahay atiriishooyinka guurka ka raageen waa 35-jir dooneysa inee sanadkaan xarooto oo xalwadeeda la cuno waxaa la sugayaa xiliga dhow ay ku dhawaaqi doonto taariikhda arooskeeda dhanka shaqada waxaa udiyaarsan filinkeeda Paris Paris halka ay gacanta ku heysato labo mashruuc waaweyn mid Chiranjeevi ayee jaceyl shaashada kula wadaage halka midka kale ay la jileyso Kamal Haasan waana Mr.Indian 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here