Atiriishada caanka ah Kiara Advani ayaa maanta ka dhawaajisay in Twitter-keeda la jabsaday dad aan la aqoonina isticmaalayaan ciwaankeeda waana arin ay ka naxeen dhamaan taageerayaasheeda daafaHa caalamka kadib qoraal ay ku shaacisay barteeda Instagram-ka.

Atiriishada Filimka Kabir Singh ayaa sida tan kusoo qortay Instagram-ka,”Ciwaankeyga Twitter-ka waa la jabsaday waxaana hader kujiraa xalka ah sidaan dib ugu soo ceshan lahaa fadlan qoraalo hadii lasoo dhigo aniga ma ahi ogaada.”

“Sido kale Links-yada lasoo diraayo haki dhufanina aniga masoo dirin ee dadka jabsadeen ayaa so diroyaan fadlan yaan kagu dhufan wax Linka ah oo Twitter-keyga ka yimaado marka aan xal helo aniga idiin soo sheegi doono.”

Dhanka shaqada Kiara waxay goordhow bilaawday duubista Filimkeeda Bhool Bhulaiyaa 2 kaaso uu atoore ka yahay Kartik Aryan sido kale waxay kasoo muuqan doonta Akshay Kunar Filimkiisa Laxmmi Bomb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here