Lama yaqaano waxa isku soo aadiyay Ayushmann Khurrana oo bidaar leh iyo Sunny Singh oo bidaar leh inay tiyaatarada ku hardamaan balse Boxoffice-ka cidna ma sadaalin karto waxa kasoo baxaayo waayo daawadayaasha ayaa kala saaraan jilaayaasha marka ay tiyaatarka isku qabsadaan sidaa darteed kooxda bidaarlayaasha todobaadka ugu horeeyo bisha November ee nagu soo fool leh daawadayaasha ayaa kala saari doonaan.

Ayushmann Khurrana filimkiisa Bala markii hore qorshaha wuxuu ahaa in la daawado 22 Nov 2019 balse 15 November ayaa laga dhigay haatana kooxda iska leh ugu dambeyntii waxay ku dhawaaqeen in mashruucan la daawan doono 7 Nov 2019 waxaana booska u baneeyay filimka Marjaavan ee Sidharth Malhotra, Riteish Deshmuk iyo Tara Sutaria hogaamiyaal ka yihiin lana daawan doono 15 Nov 2019.

Ayushmann Khurrana doorkiisa filimka Bala uu bidaarta leeyahay wuxuu isahaa daawadayaasha kaga yaabso laakiin haatan waxaaba soo ag dagay Sunny Singh oo isagana bidaar leh kuna matalaayo filimkiisa Udja Chaman oo la daawan doono 8 Nov 2019.

Waxay ka dhigan tahay Ayushmann Khurrana oo bidaar leh filimkiisa Bala inay isku dhici doonaan Sunny Singh oo aan isagana ka liidanin inkastoo Ayush filimkiisa hal maalin masraxa ku horeen doono waxaana cajiib ah in labadan wiil filimadooda ku matalayaan inay cuqdad ama dhib ku qabaan bidaarta ay leeyihiin.

Filimka Bala waxaa Ayushmann Khurrana ku wehliyaan Bhumi Pednekar iyo Yami Gautam waxaana Director ka ah Amar Kaushak oo sanadkii hore filimkii Stree ee Blockbuster-ka weyn noqday sameeyay.

Filimka Udja Chaman waxaa Sunny Singh ku wehliyaan Maanvi Gagroo, Karishma Sharma iyo Aishwarya Sakhuja waxaana Director ka ah Abhishek Pathak.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here