Qaxaa subaxnimadan si rasmi ah loo shaaciyay inee geeriyootay Saroj Khan oo ahed macalimad Dance-ga iyo qoobka cayaarka atiriishooyonka bari jirtay marke heesaha filimada duubayaan waliba nooca hinduga ee dhaqanka u ah ayee aad u taqiinay.

Saroj oo 71-jir ahed ayaa xalay wadna xanuun kusoo booday iyo feeraha oo laga qabtay todobaad kahor mar ayaa isbitaal loola cararay xanuun kusoo booday aawgii sido kalena waxaa laga baaray caabuqa Karona waana laga waayey.

Hadaba xalay gelinkii dambe ayee gurigeeda ku geeriyootay gabadheeda ayaana saxaafada ushaacisay subaxnimadan jilayaal badan ayaana ka hadleen kana tacsiyoodeen geerideeda.

Saroj waxay lasoo shaqeysay atiriishooyinka Bollywood kuwa ugu badan uguna caansan sida Sridevi, Madhuri Dixit, Juhi Chawla, Karisma, Kajol, Kareena ilaa Ananya Panday dhamaan atiriishooyinkan waxay tusi jirtay qaabka iyo xarakaadka ciyaaraha marke heesaha duubayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here