Waxaan goordhow idiin la wadaagnay in atiriishada Priyanka Chopra lasoo dacweeyay oo booskeeda Unicef iyo shaqadeeda baxar gashay kadib ka hadlida siyaasada India iyo Pakistan oo ay dhex gashay.

Wasiir Pakistani ah ayaa xidigtaan warqad dacwo ka gudbiyay waxuuna madaxda UNICEF ka codsaday inee Priyanka shaqada ka eryaan maadama ay noqotat qof dagaal hurineyso waa sida uu hadalka u dhigee.

Hadaba madaxda ugu sareeyso UNICEF ayaa warqadaas kasoo jawaabeen waxaana u hadlay gacanyaraha ugu sareeyo iyo afhayeenkooda lagu magacaabo Janaraal Antonio Giterres.

Waxuu yiri isagoo ka jawaabaya warqada,”Sida guud qof UNICEF hadii uu mowduuc la xiriiira howshiisa ka hadlaayo waxaa waajib ah inuu si dhexdhexaadnimo ku dheehan u hadlo ama xasilooni tilmaamo maadama UNICEF u taagantahay caawinta dadka dhiban iyo sidii dagaalo u joogsan lahaayen dadkana daryeel u heli lahaayeen.”

“Balse Priyanka mowduuca ay ka hadashay ma ahan mid UNICEF quseeya ee waa nid fikirkeeda ay oga hadashay qofkana fikirkiisa inuu ka hadlo xaq ayuu u leeyahay UNICEF-na xuquuqda hadalka ma mamnuuci karto markii intaas laga soo tago Priyanka waa qof udhashtay India xaq ayew u leedahay inee u hadasho dalkeeda iyo fikirkeeda waxa ku aadan.”

Priyanka Chopra taageerayaasheeda markee hadalkaan maqlee aad ayee u farxeen maadama madaxda UNICEF tilmaameen in xidigtaan shaqadeeda iyo maqaamkeeda la fara galin doonin xaqna ay u laheed wixii fikirkeeda ay ka hadashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here