Daqiiqado kadib waxaa la gubi doonaa meeydka jilaagii Rishi Kapoor ee loogu magac daray “Father of Love” haderna waxaa la diyaarinayaa meeshii loogu talo galay in lagu gubo iyo dadka kasoo qeyb gali doonaan oo la cayimay.

Waxaa lagu gubi doonaa meesha lagu magacaabo Chandanwadi oo udhow isbitaalka uu hader ku geeriyooday waana meel gaar ah oo meeydadka hinduga lagu gubo Police-ka ayaa meeshaas diyaariyeen iyo booskii Rishi lagu gubi lahaa kaliyana dadk cayiman ayaa ka qeyb gali doonaan oo qoyskiisa ugu horeyaan.

Taageerayaasha Rishi Kapoor iyo dadyowga kale waa laga mamnuucay halkaas xitaa saxaafada loona ogola oo meel fog ayee sawiro ka qaadan doonaan haderna qaban qaabada ayaa socoto daqiiqado kadib ama 4:00pm galabnimo xiliga India Rishi dab ayaa la qabad siin doonaa.

Sababto ah waa hindu ee muslim ah ma ahan sidaa aawged dhaqanka hinduga ayaa ah in la gubo meeydka hadaba jilayaal Bollywoodka katirsan ayaa la filaa inee ka qeyb galaan kuwa isbitaalka kusoo booqday haba ugu horeyaan sida Abhishek Bachchan iyo kuwa kaleba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here