DEG-DEG; Mega Star Sunny Deol oo Covid19 laga helay xili xidigaan uu dhawaan qaliin maray!!

0
340

Mega Star Sunny Deol ayaa lagu soo waramayaa in laga helay Caabuqa Covid19 kadib markii uu shalay baaritaan maray asiga ayaana bartiisa Twitterka ku shaaciyay arinkaas.

Sunny Deol oo dhawaan maray qaliin garabka ah misna soo kabasho ku jiray ayaa shalay oo talaado aheyd laga helay cudurkaan sida uu xalay ku sheegay Twitterkiisa asigoona karantiil iskiis ah galay wuxuuna ugu baaqay dadkaa dhawaan falgalka la sameeyay iney is karantiilaan sidoo kalana baaris isku sameeyaan.

Sunny Deol haatan xaaladiisa caafimaad wey hagaagsantahay walina wax astaamo cudurka ah kama soo bixin sida warbixin caafimaad lagu sheegay.

Dhanka shaqada Shirkada Sunny Deol ayaa dhawaan ku dhawaaqday in reer Deol markale ku midoobi doonaan filimka Apne2 kaasoo la daawan doono Diwali2021 waxaana qeyb ka ah Sunny Deol, Bobby Deol, Dharmendra, iyo Karan Deol oo uu dhalay Sunny Deol, halka Anil Sharma uu Directed kayahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here