Megastar Salman Khan ayaa naftiisa halis kujirto kadib markii gacanta lagu dhigay nin aragti ku toogan rabay ninkaano qirtay in laga adeejiyay Salman Khan uuna lacag ku qaatay dilka Sallu Bhai arinkaan oo baaritaan dheer lagu sameeyay ayee booliska ogaadeen sababata ka dambeysay.

Nin lagu magacaabo Rahul oo shaqadiisa tahay in lacag lagu siiyo dilka shaqsiyaad laga adeejiyo ayaa usoo amba baxay misane Mumbai u yimid siduu ku dili lahaa Megastar Salman Khan bishii Janaayo ayuuna Mumbai soo cago dhigtay balse howshiisa xili hore wuxuu u qaban waayey Corona oo si xun u faafay.

Ninkaan Salman Khan kaliya dilkiisa lacag kuma qaadanin sido kale nin sarkaal oo ciidanka Booliska Mumbai kamid ah ayuu sido kale rabay inuu dilo oo uu lacag kusoo qaatay waxaa la sheegay mudo labo maalmood ah inuu ku dul wareeganaayey guriga Salman ee xaafada Bandra ku yaalo.

Waa Sharpshooter halis badan ninkaan meel aad u fogna ka toogan kara qofka sidaa aawged meel ku aadan guriga Salman waana dabaqa kore ee Sallu taageerayaashiisa ka salaamo ayuu liish ama shiish saartay waxuuna rabay inuu madaxa ka toogto Salman Khan oo meesha soo istaagayo balse booliska ayaa qabteen.

Markii baaritaan lagu sameeyay waxaa cadaatay inee soo dirsadeen dad Rajasthan katirsan iyo maafiyo waaweyn sababta Salman loo dilaayo ayaana ah kiiskii ugaarta deerta ee Sallu lagu soo eedeeyay inuu ugaarsi ahaan u dilay ugaarta nooca deerta loo yaqaan ee dunida ka dhamaaneysa xili uu duubis ku jiray sanadkii 1999 ayuu dilay labo kamid ah ugaartaas ilaa maantana kiiskan waa loo heesta jilaagan.

Dadka deegaankas oo ugaarta deerta diin ahaan u isticmaalaan ayaa wacad ku mareen inee Salman dilaan mana ahan markii ugu horeysay ee Salman sidan oo kale lagu soo weeraro marwalbana wuu ka bad baadayey haderna nin Sharpshooter ah ayaaba la qabtay oo Salman cabir halis ah saartay

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here