Waxaa lasoo qabtay dilaaga weyn ee lagu magacaabo Sunil Gagwad ee 20-sano kahor toogtay Filimsameye Rakesh Roshan ahna atooraha Hrithik Roshan aabihiis ninkaan ayaa mudo dheer baxsad ahaa ugu dambeyna booliska magaalada Mumbai ayaa gacanta kusoo dhigeen.

Waa dilaa weyn dad badan dilay waxaa la sheegay sanadkii 2000 markii la daawaday filimka Kaho Na Pyaar Hai in kooxda filimka xaflad dhigteen ay ugu dabaal dagayeen guusha mashruuan kadib waxaa dhacday oday Roshan oo gaarigiisa sii galaayo isagoo xaflada ka yimid xili habeen ah in xabado lagu furay.

Sunil ayaa 6-xabadood ku furay Rakesh Roshan labo kamid ahna wey kudhaceen waliba waxaa la sheegay in xabad kamid ah ay wadnihiisa siweyn usigtay oo in Milimitir ujirta kaga dhacday markaasa isbitaal loola caray Rakesh hadaba ninkaan mudo sanado badan ayaa la raadinaayey waana 52-jir.

11-Kiis oo dil ah ayaa laga diiwaan galiyay iyo 7-kiis kale oo uu isku dayey inuu dad dilo balse ka bad baadeen dadkii  ka bad baadeena Hrithik aabihiis ayaaa kamid ah hader waxaa lagu xukumay cimrigiisa inta kadhiman inuu xabsiga ku dhameesto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here