Baaritaankii udambeyay ee ay sameyeen Police-ka, dhaqaatiirta iyo dadkii la shaqeeyayba waxay sheegeen in Sushant isaga is dilay oo wax cadeyn ah kale ay waayeen markee gurigiisa iyo jirkiisaba baareen waana baaritaankii udambeeyay ee ay sameyeen danbi baarayaasha Mumbai.

Arinkaan ayaa dad badan layaab ku noqotay aaway wixii cadeyn ahaa ee la lahaa kaamirooyinka waa la damiyay iyo furaha laga xaday iyo waxyaabihii maalmahan la dal dalaayey misane booliska xitaa waa loo gudbiyay cadeymahaas oodhan ugu dambeyn waxay dhaheen Sushant jirkiisa wax garaafo ah masoo garin ama xagtin sido kale dhaawac kale kuma yaalo sidaa aawged kiiskiisa waa is-dil iyo is dal-dalaad uu isaga is daldalay.

Waxay kaloo sheegeen inee sifiican u baareen oo qolkiisa dhanwalba laga baaray bal si loo helo cadeyn yar oo sheegeysa in qof aan Sushant aheyn habeenkaas qolka kula jiray maadama dadka 4-qof ayaa kula jirtay ay dhaheen iskadaa 4-qofe xitaa hal qof waan ka weynay ayee dhaheen qoladii kiiskan baareysay.

Arinkaan dadka badankiisa ma aaminsana sikastee ahaataba wey ku dhawaaqeen baaritaankii udambeyay ee kiiska Sushant ayagoo sheegen inuu ahaa mid is dil ah oo uusan aheyn dil shirqooleysan suaal ayaa jirto marka, horta kiiska waxuu kusoo gaba gaboway Sushant isagaa is dilay ee lana dilin marba hadii sidaa kiiska noqday bas miyaa mala xiraa kiiska qalaas miyaa.

Jawaabta waa maya sababto ah shalay Police-ka waxay kudhawaaqeen in kiiska Sushant is dil yahay oo isaga is dilay balse taas kama dhigna ayee dhaheen inuu kiiska dhamaaday wali waxaa baaqi ah maxuu isku dilay haba is dilee maxuu isku dilay sidaa aawged isla maanta waxay u waceen ninka xisaabiyaha u ahaa si ay dhaqaalihiisa iyo hantidiisa wax kaga wareystaan waayo dadka wax ay ku qancaan ayee rabaan oo waxay leeyihiin hadii Sushant is dili lahaa warqad ayuu dhaafi lahaa sidaa aawged booliska waxay doonayaan inee ka salgaaraan sababta Sushant isku dilay ileen waxaa u cadaatay inuu isaga is dilay ee aan la dilin.

Kiiska inuu wali furan yahay doodiisana wali socoto waxaa ku cadeynaya in maxkamada Bihar dacwad taalo 8-qof oo Bollywoodka katirsan ayaana lasoo dacweeyay sida saaxiibtiis Rhea, Salman Khan, Karan Johar, Bhansali, Ekta Kapoor iyo kuwa kale.

Ugu dambeyn ballankii ahaa in maxkamada 24-june la isugu imaado si dacwada wajigii kowaad loo dhageysto ma dhicin dib ayeena udhacday waxaana lagu dhawaaqay in 3-july la isku imaan doono dacwada la furi doono kiiska Sushant wali ma xirmin ee Police-ka baaritaankooda qeyb kamid ah ayaa xirmay sidaas ogaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here