Kangana Ranaut walaashed Rangoli Chandel ayaa ugu dambeyn laga xiray ciwaankeeda barta Twitter-ka ay ku laheed balse waa si kumeel gaar ah waxaana la filaa mudo kadib in loo soo fasixi doono.

Rangoli waa shaqsi af-fudud kana daran Kangana jilayaasha caanka ah ee Bollywoodka si aan gambasho laheen ayee qoraaladeeda qalafsan ugu weerartaa midaasi waxaa ku qanci waayen oo marwalba ka caroon jireen taageerayaasha jilayaasha ay aflagaadeyn jirtay.

Dad badan ayaa baraha bulshada ku weerareen misane kaga soo horjeedeen xidigaha ay aflagaadeyneyso balse hader waxayba usoo dhigatay diimaha hinduuga ah inee u gafto inkastoo ay la safatay shaqaalaha iyo dhaqaatiirta ku howlan la dagaalanka Coronavirus.

Jilayaasha Bollywoodka ee Rangoli weerarka kuqaaday dhowaan waxaa kamid ah Shatrughan Sinha (Canjeex), Ananya Panday, Karan Johar, Ranbir Kapoor, Alia Bhatt iyo Deepika Padukone.

Arimahaas oodhan oo isku tageen waxay sababtay in la xayiro ama si kumeel gaar ah loo xiro ciwaanka Rangoli ku leedahay barta Twitter-ka haderna waxaa laga cabsi qabaa in ciwaanadeeda kale ee baraha bulshada la xiro maadama dad badan sidaas ku baaqeen.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here