Atiriishada Rhea Chakraborty ayaa laga soo dacweeyay maxkamad kutaalo gobolka Bihar waxaana lagu heystaa kiiska Sushant Singh Rajput iyo geeridiisa inee iyada sabab u ahed waana arin kale oo xasaasi ah xili Rhea markii hore lagu eedeyay inee qiyaantay atoorahan hadana dacwad kale ayaa timid.

Dadka gobolkaas degen ayaa dacwad kasoo gudbiyeen waxayna dacwadaaa asal ahaan kasoo baxday magaalada uu Sushant kudhashtay ee Padna ladhaho waana asal ahaan meesha uu kasoi jeedo qodobada dacwada Rhea lagu heeysto waxay kala yihiin.

1-Jaceyl ay jeceshahay ulama aysan joogin ee lacagtiisa ayee ka rabtay markee lacagta ka guratayna wey ka dhaqaaqday.

2-Buuq ayee maskaxdiisa ku furtay kahor inta aysan ka tagin si ay isku dagaalaan markee is dagaaleena fursadaas ayee sugeysay weyna ka tagtay kadib Sushant geeridiisa ayaa lasoo sheegay.

Rhea jaceyl ulama aysan joogin ayaa ladhahay Sushant sida dacwada kuqoron lacag ayeena ka rabtay maskaxda ayeena ka cuntay buuq joogta ah ugu dambeyan wey ka dhaqaaqday geerida Sushant ayaa lasoo sheegay 6-maalin kadib markee soo baxday suaasha waxay tahay ciil miyuu isku dilay iyo qiyaanada Rhea mise iyada dad ku dalbatay mise Mahesh Bhatt ayaa qorshahan la ogaa oo labadooda ayaaba dileen waxay tahayba 24-bishaan June ayaa maxkamada latagi doonaa.

Kiis hore ayaa yaalo maxkamadaas oo horey loogu dacweeyay shaqsiyaadka kala ah Karan Johar, Salman Khan, Ekta Kapoor, Sanjay Leela Bhansali iyo shirkada Yash Raj Filims kuwaaso lagu eedeyay ine sabab u ahaayen geerida Sushant haderna kiis labaad ayaa la keenay oo Rhea masuul looga dhigay geerida xidigaan.

Hadaba maxkamada ayaa ku dhawaaqday in 24-bishaan june la isku imaan doono dacwadada si rasmi ah loo furi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here