Halyeega Bollywood-ka ee fanka Hindiya mudada dheer kusoo jiray aadna loogu tixgaliyo shaqadiisa darajada uu ku gaaray Rishi Kapoor ayaa la sheegay in isbitaal loola cararay kadib markii xaalad halis ah uu galay sida qoyskiisa laga soo xigtay waxaana jirto cabsi ku aadan sida xaalka Rishi noqon doono oo dhawaanahanba iska xanuunsanaa.

Rishi Kapoor waxaa la dhigay isbitaalka lagu magacaabo HN Reliance oo Mumbai ku yaalo waxaana arinkan warbaahinta u sheegay Rishi walaalkiis Randhir Kapoor oo xaqiijiyay in halyeegan xaalkiisa liito sidoo kalena ay dhinaciisa joogto xaaskiisa Neetu Kapoor oo waqti walbo garab taagan.

Rishi oo 67-jir ah waxaa la sheegay in neefta dhibtay kadibna uu ku dhawaaday xaalad miir daboolmi ah kadibna si deg deg ah loogu yeeray qolyaha gurmadka deg dega caafimaadka qaabilsan kadibna HN Relience Hospital la dhigay waxaana la sheegay in haatan uu neefsan karo balse weli lama sheegin waqtiga uu isbitaalka kasoo bixi doono.

Rishi Kapoor sanadkii hore gaar ahaan bishii September ayuu gudaha Hindiya dib ugu soo laabtay kadib markii in mudo ah uu ku sugnaa dalka Mareekanka waxaana laga daaweeyay xanuunka kansarka balse marka uu soo laabtay weli uma suura galin 100% inuu shaqadiisa kusoo laabto waxaana dhacday bilooyin ka hor in isagoo magaalada Delhi ku sugnaa uu miir daboolmay kadibna isbitaal la dhigay haatana waa markii labaad isbitaal la dhigaayo halyeegan tan iyo markii uu kasoo kabtay kansarkii asiibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here