Mega Star Salman Khan ma doonayo Eid 2020 gacantiisa inay ka baxsato madaama Superstar Akshay Kumar calaameestay in xiligaas loo daawan doono filimka Laxmi Bomb sidaa darteed Sallu wuxuu ku dhawaaqay xiliga duubista lagu bilaabayo filimkiisa cusub Radhe: India’s Most Wanted Cop.

Filimka Radhe waxaa Director ka ah Prabhu Deva sidoo kalena waxay duubistiisa si rasmi ah u bilaaban doontaa 4 November 2019 waa bisha nagu soo fool leh waxaana jadwalka kowaad lagu duubi doonaa magaalada Mumbai ayadoo sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhawaaqi doono jilaayaasha kale Sallu filimkan kala soo muuqan doonaan.

Director Prabhu Deva ayaa aad u mashquulsan waayo dhawaan wuxuu soo gaba gabeeyay duubista filimka Dabangg 3 oo Salman Khan hogaamiye ka yahay lana daawan doono 20 December 2020 sidoo kalena haatan wuxuu isku daba ridayaa filimka Radhe oo ah mashruuc Salman askari mayal adag ku matalaayo xarakaad dheeraad ahna sameyn doono sidoo kalena la rabo Eid 2020 inuu tiyaatarada ku qabsado.

Sohail Khan oo ah Salman walaalkiis ayaa filimka Radhe: India’s Most Wanted Cop maal galinaayo waxaana sheeko ahaan filimkan laga soo min guuriyay filimka Korean-ka ah ee lagu magacaabo The Outlaws kaasi oo sanadii 2017 soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here