Jimcihii ayee ahed markii uu Salman Khan ku dhawaaqayey Filimkiisa Kabhi Eid Kabhi Diwali kaaso la daawan doono Eid 2021 waxaana mashruucan maalgalinaayo Salman saaxiibkiisa Sajid Nadiadwala halka Farhad Samji uu director ka noqon doono.

Si guud hadaan oga hadalno Filimka waa mashruuc ka hadlaayo arimaha qoyska Salman na waxuu kujili doonaa nin kaftan badano nasiib badan sido kalena dagaal ayuu leeyahay waa Filim madadaalo dhameestiran leh markuu sheekada Filimkaan dhageystay horey ayuu ka saxiixday Sallu.

Salman Khan's Kick 2 will release in Christmas 2021, confirms filmmaker Sajid Nadiadwala

Dhanka kale Kick 2 sheekadiisa waa la qoray kaliya waxaa dhiman in duubis lagu bilaawo waxaase ka horeyo labo Filim uu Sallu la howl galaayo Radhe iyo Kabhi Eid Kabhi Diwali qarash gareeye Sajid Nadiadwala oo saxaafada wareysi siiyay waxuu yiri.

“Kick 2 waa diyaar sheekadiisa kaliya in howshiisa bilaawato agaa dhiman midaasna Salman ayee kuxirantahay xiliga la bilaawayo balse waxaan qorsheynay in la daawado ama tiyaatarada la saaro December 2021.”

Tani waxay ka dhigantahay in Sallu 2021 labo Filim la imaan doono waxaana la sheegay duubista Kabho Eid Kabhi Diwali in lasoo gaba gabeyn doono dhamaadka sanadkaan 2020 kadibna toos loo bilaawi doono shaqada Kick 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here