Mega Superstar Shah Rukh Khan oo caan ku ah magaca Bollywood King Khan ayaa si rasmi ah u noqday jilaag India kasoo jeeda midka ugu shacbiyada balaaran barta Twitter-ka waxuuna darajadan ku garaacay halyeey badan oo la xifaaltameysay.

Khan ayaa shacbiyadiisa Twitter-ka gaareen maanta 39 Million qof waana dad aad u tiro bada oo Page-kiisa kuxiran farxad uma dhina xidigaan taageerayaashiisa maadama darajo horleh uu soo siyaadiyay reer hindiya ahaan si qaas ah dhanka fanka.

#SRK39Million: Shah Rukh Khan becomes the most followed Indian celebrity on Twitter

SRK waa mid mar walba madadaaliyo taageerayaashiisa Twitter-ka noloshiisa oo Update ahna wuu la wadaaga mar walbana wey sii kordhaan taageerayaashiisa waxaase xisaabta kujirin taageerayaashiisa adduunka ku nool kuwooda aan wali isticmaalin aalada Twitter-ka.

Dhanka shaqada Xidigaan nasiino ayuu ku maqan yahay balse 2020 inuu soo noqonaayo ayee u badan tahay maadama bisha Nov la filaayo inuu ku dhawaaqo filimkiisa xiga ee uu ka howl gali doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here