Xidigaha weyn Shahid Kapoor ayaa saxiixday mashruuc cusub oo dagaal ah sido kalena shirkada Dharma Productions ay maalgalineyso waxaana shirkadaan iskaleh soosaaraha caanka ah Karan Johar

Filimkaan ayaa magac ahaan loo bixiyay Yoddha waana mashruuc Action ah balse arinka xiisa leh ayaa ah in Disha Patani atiriisho ka noqoneyso filimkaan waana Disha-da ugu shidan waqtigaan Bollywoodka.

Hadal heynta Filmkaan hadal heyntiisa waxay sare martay marka la ogaaday inee Disha atiriisho ka noqneyso sikaste ahaataba rasmi ma ahan xogta filimkaan oodhan waxaana la sugayaa Karan Johar inuu shaaca ka qaado.

Dhanka kale Shahid Filimkiisa xiga waa Jersey oo ay la jileyso Mrunal Thakur waxana sheekada Filimkaan laga soo xigtay Nani Filimkiisa isla Jersey la dhaho waana dib usameynta isagoo Bollywood ah markaan.

Disha iyadana Filimkeeda xiga waa Radhe-Most Wanted Bhai oo Salman Khan hogaamiye ka yahay kaaso qorshaha ahaa in la daawado ciidul fitriga balse dib udhac ayaa kuyimid Covid-19 aawgii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here