Shirkada caanka ah Yash Raj Filims ee uu madax ka yahay Aditya Chopra ayaa dhiiqo dhexda ka gali rabta xili farta lagu fiiqay booliskana dabagal ayee ku bilaaweyn maadama warqado cadeyn ah laga waayey oo kiiska Sushant ku xeendaaban hadii ay keeni waayaana markaas shaki weyn ayaa jiri doono.

Sushant shirkadaan dhowr filim ayuu u saxiixay labo filim ilaa seddex filim uu usameeyay balse kuwii kale ee uu saxiixay ilaa hada ma uusan sameynin waxaana booskiisa lagu bedelay jilayaal kale oo xili hore sameyeen hadaba booliska ayaa shirkadaan ka dalbadeen warqadaha heshiiska.

Waxaa miiska soo saara la dhahay warqadaha heshiiska Sushant kula gasheen markii hore ee uu idiin saxiixayey aflaamta iyo markuu ka baxaayey filimadaas warqadihii cadeynaayey sababta waxay tahay shirkada waxaa la weydiiyay Sushant filimadii uusaxiixday maxay atoorayaal kale usameyeen waxayna ku jawaabeen isaga kabaxay.

Hadaba shirkada waxay keentat warqadihii cadeynayeen markuu Sushant heshiiska saxiixayey inuu aflaamtaas sameynaayo misane saxiixisa saaran balse gacan kuma hayaan kuwii cadeynayeen markuu isaga baxaayey aflaamtaas ee loo baahnaa inee saxiixisa saarnaadaan.

Arinkaan ayaa shaki dhalin karo Sushant xoog miyaa looga saaray aflaamtaas iyo is qaraabeysi mise warqadaha ayaa caadi u lumeen mise waa la heli doonaa waa suaalaha la is weydiinaayo…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here