Deepika talo ayaa kuxun maanta iyo shalay weerar dhan walba ah ayaana kusocda iska hilmaam ganacsiga filimka Chhapaak ee hooseya waxaa la bilaaway dhinacyo kale in laga weeraro.

Deepika daqliga sanad walba soo galaayey kaliya dhanka aflaamta kama soo gali jirin ee sido kale waxuu kasoo galaayey meelo kale sid shirkado waaweyn oo ay xayeysiimo u sameyn jirtay sida xayeysiimhaa waxyaabaha dumarka isku carfiyaan, cabitaano, labis iyo kuwa kale.

Waxaa la sheegay in gabi ahaanba halis galeen shirkadihii waaweynaa ee Deepuu macaamiilka ahayen ee ay xayeysiin walba u sameyn jireen maadama xidigtaan ay albaabada ka xirteen qandaraasyadii horena wey joojiyeen ee ay Deepika la galeen.

Sababtana waxay tahay in Deepika siyaasad dhexda ka gashay oo ay kasoo muuqatay jaamacad ay dhigtaan arday muslimiin u badan Delhi na ku taalo ujeedkeeda waxuu ahaa in ardaydaas garab siiso sido kalena hadal heyn ay u abuurto si filimkeeda Chhapaak loo daawado ileen hada kahor Padmaavat ayee sidaas oo kale hadal heyn ugu abuurtay balse markaan wey ku guul dareesatay qorshaha.

Chhapaak: Deepika Padukone to lose brand endorsements over her support for JNU students?

Shirkadaha xayeysiimaha Deepika la sameyn jireen sida shirkada cabitaanada waxay dhaheen in Deepika hada kadib wax xayeysiin ah la sameeyn doonin maadama shicibka ku kaceen xayeysiin hadee inoo sameysana cid inaga dalbaneyso malahan sidaa aawged waan joojinaya hesiis walba aye dhaheen.

Deepika baraha bulshada dagaal ayaa looga wadaa sido kale Chhapaak waa guul dareysan rabaa halka meelihii kale ee dhaqaalaha kasoo galayeen hader loo soo dhigtay nasiibkeeda ayee qabtaa xidigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here