Home » Wararka Maanta » Deg deg: Sridevi gabadheeda Jhanvi Kapoor iyo Shahid walaalkiis Ishaan Khattar filimkooda oo shaaca laga qaaday xiliga la duubayo

Deg deg: Sridevi gabadheeda Jhanvi Kapoor iyo Shahid walaalkiis Ishaan Khattar filimkooda oo shaaca laga qaaday xiliga la duubayo

In mudo ah ayaa la hadal haayay atirishada weyn Sridevi gabadheeda Jhanvi Kapoor xiliga ay Bollywood-ka kusoo biireyso haatana war rasmi ah ayaa mustaqbalka gabadhaan laga soo saaray.

Filim sameeye Karan Johar ayaa ku dhawaaqay filimka Jhanvi Kapoor lagu soo caan bixinaayo sidoo kalena atoore kowaad ka yahay Shahid Kapoor walaalkiis Ishaan Khattar xiliga shaqadiisa bilaabaneyso.

Jhanvi Kapoor iyo Ishaan Khattar waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Marathi-ga ah Sairat ee Blockbuster weyn noqday sanadii 2016 asigoo Hindi ah ayaa filimkaan dib loo sameenayaa.

Filimka Jhanvi Kapoor iyo Ishaan Khattar waxaa duubis rasmi ah lagu bilaabi doonaa 1 December 2017 bisha dambe waxaana la daawan doonaa 6-bilood ee ugu horeyso 2018 inta lagu guda jiro.

Dhawaan atirishada Sridevi ayaa ka carootay in Karan Johar uu iska hilmaamay soo caan bixinta gabadhiisa sidoo kalena ku mashquulay sameynta aflaan kale.

Sidaa darteed Karan Johar wuu is gartay haatana wuxuu ku dhawaaqay xiliga filimka Jhanvi Kapoor lagu soo caan bixinaayo laga hawl galaayo.

One Response to Deg deg: Sridevi gabadheeda Jhanvi Kapoor iyo Shahid walaalkiis Ishaan Khattar filimkooda oo shaaca laga qaaday xiliga la duubayo

  1. cabdi kaafi

    November 5, 2017 at 3:39 pm

    malaha markan waxan filaa in Sridevi ay gosdanbetka kaqoslyso marba hadibdahalgaqaday filmka gabadheda lagusocanbixinayo jhanvi kapoor waxana u sababa inlagudhawaqo mashrucan cananti Sridevi ay udirtay Director karan johar