Waxaan subaxan idiin la wadaagnay xan cusub oo sheegeysay in filimka War qeybtiisa labaad ay hogaamiyaal ka noqon doonaan Salman Khan iyo Shah Rukh Khan sido kalena Deepika Padukone iyo Katrina Kaif iyagana atiriishooyin ka noqonayaan.

Hadana waxaan soo helnay warkaas war ka gedisan waxaa la sheegay ineysayn hogaamiyaal ka noqon doonin balse ee doorar muuqaal marti ahaan ah ku lahaan doonaan waliba SRK waxuu kaga soo muuqana doorkisia Pathan halka Salman uu kaga soo muuqanaayo doorkiisa Tiger waana qorsho ay bilaawyso shirkada Yfs.

Filimka Hrithik ayaa hogaamiye ka ah balse marba haduu taxane noqonaayo shirkadan ayaa jeclesatay inee hindiya ka dhaqan geliso barnaamij Hollywood kajiro kaaso ah taxanayaasha inee kasoo muuqdaan atoorayaal kale oo taxanayaal kale jilayaan dhamaan taxanayaashaasna isla shirkada ayaa leh.

SRK waxuu ku mashquulsan yahay Pathan duubistana Deepika aya la wado marka uu dhameeyo waxaa la filaa inuu bilaawi doono filimka Atlee kadibna Rajkumar Hirani ayuu filim usameyn doonaa.

Dhanka Salman isagana Febraayo 2021 ayuu duubis ku bilaawa filimka Tiger 3 hadaba waxaa la filaa labadooda doorarka ay kala ciyaarayaan Pathan iyo Tiger inee kaga soo muuqan doonaan mashruuca Hrithik ee WAR2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here