Mithun waa mid kamid ah xidigii bari samaadkii iyo mid kamid ah Atoorayaasha ugu caansan looguna jecelyahay daafaha caalamka iyo dadka Soomaaloda aktooda.

Halyeeygan aabihiis oo lagu magacaabo BasantaKumar Chakraborty ayaa geeriyooday sida la xaqiijiyay waxuuna ku dhintay magaalada Mumbai kadib mudo dheer oo uu xanuunsanaa sido kalena oday da’ ah ayuu ahaa.

Odaygan waxuu jiray 95 sano wuuna xanuunsanaa mudo dheer sidaa aawged habeen arbaco ayuu ki geeriyooday Mumbai balse Superstar Mithun Mumbai ma joogo ee waxuu kusuganyahay magaalada Bangalore.

Mithun ayaa Bangalore u aaday shaqo Filim duubis ah balse dowlada ayaa ku dhawaaqday xiligaas in dadka 21-maalmood xiriir ah guryaha kujiraan wax iskusoo bax ah iyo safar ahna waa la mamnuucay sidaa aawged Mithun Bangalore ayuu ku xayiran yahay oo guri ayuu isaga jiraa halka meeydka aabihiis Mumbai yaalo.

Warar ayaa sheegayaan in Mithun xal u heli rabo qaabkuu Mumbai ku imaan lahaa kagana qeyb gali lahaa tacsida aabihiis sido kale jilayaasha Bollywoodka qaar kamid ah ayaa baraha bulshada kaga tacsiyoodeen xidigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here