Sidaan horey idiin kula wadaagnayba Rhea Chakraborty oo kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ayaa shalay mudo 9-saac ah Police-ka Mumbai wareysi ka qaadeen waxaa la geeyay xarunta Police-ka ee danbi baarista qol ayaana lagu hayey mudo 9-saacadood ah xitaa aabahed oo la jiray waa loo diiday gudaha inuu galo hadaba gabadhaan ayaa arimo badan shaacisay wax badana ka hadashay.

Rhea waxay Police-ka ku wareejisay Mobile-keda oo iyada iyo Sushant iskula xiriir jireen sida qoraaladii sheekada, muuqaalo iyo sawiro kuwada jiraa kadibna Mobile-ka oodhan Scan ayaa la mariyay waxyaabaha Rhea ka hadashay seddex qodob ayaa ugu weyn oo kala ah:

Arooskooda ayee shaaca ka qaaday:

Markii hore waa la isku xamanjiray balse Rhea waxay si rasmi ah usheegtay inee is guursan rabeen iyada iyo Sushant waliba dhamaadka sanadkaan 2020 ayuu qorshaha ahaa inee is guursadaan intaas waxay ku dartay inee xitaa qorsheynayeen guri cusub sidee ku iibsan lahaayen arooskooda kadib maadana guriga ay hada degenaayen midkasii qurux badan ay rabeen.

Dagaalka dhexmaray:

Rhea waxay sheegtay in iyada iyo Sushant is dagaalen hal isbuuc kahor inta uusan geeriyoon kadibna wey ka guurtay maadama ay la degened markii hore xiriir wada noolaansho ah ayaana ka dhaxeeyay guriga waalidked ayee aaday mudadii bandowga hindiya ee seddexdii bilood asige la joogta laakiin todobaadkii udambeyay ayee ka tagtay saas eetahay mobile-ka ayee ka xiriir jireen iyagoo is dagaalsan oo qoraaladii iyo wicitaanadii ayee tustay Police-ka.

Rhea waxay kamid ahed shaqsiyaadkii uvu dambeyeen ee Sushant taleefaankankawacay saacadaha uu geeriyoonaayey kahor balse kama aysan qabanin taleefaanka waqtigaas uu soo wacaayey.

Xanuunka Sushant ayee sheegtay:

Waxyaabaha shaaca ay ka qaaday oo kale waxaa kamid ah inuu 6-bilood udambeysay uu xanuunsanaa balse mid weyn ma aheen walwal iyo maskax ahaan ayuu jiranaa oo Depression ayaa hayey balse daawadii wuu diiday inuu qaato sida Rhea sheegtay dabeecad xumi ayuuna lasoo baxay waana mida kaliftay inee isku dhacaan labadooda iyadana gurigiisa kaga soo tagtay.

Lasoco arimaha kale Rhea ka hadashay ileen 9-saacadood ayaa la wareysanaayey kistaas inee sheegtay macquul ma ahan waxyaabo badan ayee shaacisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here