Atiriishada caanka ah Rhea Chakraborty ayaa laga yaaba in la xiro inta lagu guda jiro kiiska jilaaga geeriyooday ee Sushant Singh Rajput arimo badan oo is biirsadeen aawged waxay kudhowday xidigtaan in xabsi la dhexdhigo waliba waqti dhow sida ugu dhaqsiyaha badan. Arimaha Rhea lagu xiri karo cadeymaha lagu hayo iyo shakiga laga qabo oo mid walba sharaxan hood kaga bogo:

1-Qareen ama abuukaate taageere u ah Sushant Singh laguna magacaabo Kundan Kumar ayaa Rhea ka dacweeyay maxkamad kutaalo gobolka Bihar ee dalka India waxuuna ku eedeyay inee masuul katahau geerida Sushant dhaqaale badananka cuntay maskax ahaana wiilkan xanuunka kudhacay iyada sabab u tahay.

2-Ballantii guurka ayee kaga baxday oo qorshaha ahaa inee is guursadaan bisha November sababte guurkiisa ku diidayna ay ahed xanuunkiisa maskaxda iyo inuusan noqon atoore Superstar ah sma xidig top ah waxayna dooneysay inee noloshiisa ka baxdo mudooyinkii dambe weyna isku dhaceen gurigiisana wey kasoo tagtay.

3-Rhea waxaa lagu xantay inee xiriir qarsoon la laheed Mahesh Bhatt dhanka kale noloshs Sushant kuma aysan faraxsaneen maadama uu xanuunsanaa Mahesh dhankiisa waxuu gabadhaan ku dhihi jiray ninkaas maskax ahaan xanuunsan noloshiisa ka fogow taasina Mahesh wuuba qirtay maba uusan qarinin.

4-Sushant waalidkiis wey necbanaayen Rhea oo inuu guursado raali kama aysan aheyn maadana dabeecadeeda iyo habd dhaqankeeda ay ka deeriyeen.

5-Rhea iyada dhankeeda wey necbaned qoyska Sushant iyo waliba saaxiibadiisa gaarka ah dhowr jeer ayeena isku dagaaleen arimahaas.

6-Sushant waxuu dhihi jiray Rhea darteed ayaa la idili doonaa goor dhow waayo xiriirkeena dadba kasoo horjeeda midaasna iyada afkeeda Police-ka oga sheegtay.

7-Rhea tell-ka kama aysan qabanin Sushant saacadihii udambeysay noloshiisa xili uu soo wacay sido kalena waxay masaxday ama tirtiray sawiradooda labadoods ah ee instagram-keda kujireen isla daqiiqadii geerida Sushant la sheegay deg deg ayeena oga baxday qadka oo ay Online ka ahed.

Arimahaas iyo kuwa kale ayaa sahli karaan in Rhea xabsi la dhex dhigo Police-kana 10-saacadood kudhowaad ayee wareysteen cadeemo kalena wey ka hayaan waxaana xusid mudan in maanta maxkamada Bihar lagu balansanyahay si uu kiiska ufurmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here