Ugu dambeyn jilaagii caanka ahaa Sushant Singh shalay galab ayaa lagu magaalada Mumbai ee dalka hindiya kadib markuu is dilay oo uu nafta is dhaafiyay 14-June xili habeenino ah oo uu gurigiisa kaligiis kusugnaa kaaso xaafada Bandra ee magaalada Mumbai ku yaalay.

Ilaa hada lama oga murugada heysay iyo waxa ku kalifay inee nafta is dhaafiyo Bollywoodka ayaana arinkaan layaab ku noqotay meeydkiisana markii la baaray waxaa la ogaaday inuu u geeriyooday marjidii xariga uu isku dal-dalay waxkale jirkiisa waa laga waayey.

Hadaba Sushant qoyskiisa murugada heysay wey kusii siyaaday maadama hader lasoo sheegay geerida dumaashidiis oo qaraacan iyo murugada geeridiisa iyadana u dhimatay waxaa la sheegay inee aad oga naxday geerida Sushant markee maqashay ayna joojisay cunadii iyo cabidii oodhan.

Sudha Devi waxay ahed xaaska Sushant ina adeerkiisa shalay markii la gubay Sushant waxyar kadib ayeena nafta ka baxday iyadana maadama ay xamili weysay geerida Sushant murug weyn ayeena ku noqotay sababto ah ehelkeeda ayuu kamid ahaa midaasna waxaa u dheered xiriirka fiicnaa ee ka dhaxeeyay kaftankiisa, wanaagiisa iyo xiliyadii wacnaa ayaa qalbigeeda iyo maskaxdeeda kusoo noq-noqonayeen saacadihii udambeeyay.

Qoyska Sushant maanta markake tacsi ayaa utaalo xili shalay ay kasoi jeesteen howshii Sushant waxaa kaloo xusid mudan in aabihiis xitaa loo cabsi qabo maadana uu Shock weyn ka qaaday dhimashada wiilkiisa tacsida Sushant ee gubitaankiisa dadkii ugu caansan ee ka qeyb galeen waxay kala ahaayen Rhea Chakraborty, Kriti Sanon, Shraddha Kapoor, Vivek Oberoi, Ekta Kapoor, Abhishek Kapoor, Udit Narayan, Varun Sharma, Randeep Hooda iyo Prateik Babbar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here