DEG-DEG; Taxanaha Hercai wuu soo laabtay iyo goorta duubistiisa dib loo bilaabi doono.

0
346

Taxanaha Hercai oo kamid ah kuwa loogu jecelyahay Turkiga sidoo kalana daafaha caalamka siweyn looga xiiseeyo ayaa lagu wadaa in duubistiisa dib loo bilaabo kadib markii uu soo gabo gaboobay fasaxii jilayaasha la siiyay.

Taxana oo si habsami u socdo ayaa waxaa dunida ku faafay Viruska Corona kaasoo sabab u noqday in gabi ahaanba la hakiyo jilayaasha taxanaha fasax la siiyo inkastoo fasaxa Juun iyo July markii horaba qorshaha ku jiray.

Haatan oo uu dhamaaday bilihii fasaxa waxaa lagu wadaa in dib loo bilaabo duubista taxanaha oo meel xaasaasi maraayo waxaana shalay goobta taxana lagu sii duubi lahaa tagay Directedka taxanaha si uu usii diyaariyo qorshaha duubista taxanaha asigoona sawirka sare soo dhigay bartiisa Instagramka.

Jilayaasha ayaa haatan lagu wadaa iney fasaxooda soo gabo gabeeyaan dibna ugu soo laabtaan goobta duubista taxanaha kaasii xalqadiisa 1aad ee Seasonkiisa 3aad lasii deyn doono bartamaha bisha September.

Duubista taxanaha ayaa dib u bilaaban doonto todobaadka dambe hadii Alle yiraahdo waxaana la diyaarin doonaa dhowr xalqo kahor intaanan xalqada koowaad ee Season 3 lasoo deynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here