Waxaan markii hore idiin la wadaagnay si hordhac ah tiyaatarada la saaray Filimka WAR balse hade4 shaaca ayaa laga qaaday qiyaas ahaan WAR iyo tiyaatarada uu ka helay gudaha India.

Labo Filim kale oo waaweyn ayaa WAR ku ciriiriyeen dhanka tiyaatarada kuwaaso kala aha Sye Raa Narasimha oo ah Filim koonfur India laga leeyahay iyo Joker oo ah Filim Hollywood ah oo gudaha India laga daawanaayo.

WAR waxaa la saaray maanta qiyaastii 4000 tiyaatar in kabadan guud ahaan India oodhan luuqadaga jala duwan ee looga daawanaayo waana tiyaataro kufilan mashruuca Action-ka ah halka Sye Raa qeybta Af Hindiga uu ka helay tiyaataro dhan 950 tiyaatar.

Ugu dambeyn Joker oo Hollywood ah suuqyada Hindiya waxuu ka helay tiyaataro dhan 700 tiyaatar waana in kufilan shaki kuma jiro in WAR tiyaatarada ugu badan India la saaray maadama uu yahay filim min tuulo ilaa magaalo loogu talo galay.

Dhanka ganacsiga WAR maanta taariikh ayuu dhigi doonaa laakiin Sye Raa iyo Joker ayuu loola kala kulmi doonaa inkastoo maalin fasax qaran tahay oo dhalashada Gandhi ayaa loo dabaal dagayaa fadlan hoos kaga bogo sida tiyaatarada loogu qeybiyay seddexdaan Filim.

WAR: 4000 ilaa 4100 tiyaatar ayaa qiyaastii gudaha India laga saaray.

Sye Raa: qeybtiisa af hindiga lagu daawanaayo 900 ilaa 950 tiyaatar ayuu ka helay qiyaas ahaan.

Joker: Filimkaan Hollywoodka ah Indiw oo dhan waxuu ka helay 700 tiyaatar waana in ku filan nasiib wacan mashaariicdan maanta lawada daawanaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here