Director SS. Rajamouli iyo atiriishada Alia Bhatt ayaa daawadayaasha shalay u balannqaadeen in maanta lasoo bandhigi doono aragtida kowaad iyo Logo-da Filimka weyn ee RRR hader ayaana si rasmi ah loo soo bandhigay.

Waa muuqaal yar oo lagu muujinaayo magaca Filimka iyo Logo-diisa ee RRR ah sido iale waxaad ku arkeysaa aragtiyada kowaad ee hogaamiyaasha Filimka kala ah Ram Charan iyo Jr.NTR labadoodw kaliya ayaana lagu tusaa wax jilayaasha Filimka ahba.

Sido kale waxaa doorar muhiim ah kuleh Filimkaan Alia Bhatt iyo Ajay Devgn waana markii ugu horeysay ee ay Filim Telugu ah kasoo muuqanayaan waxaana la daawan doonaa Filimkaan weyn 8 Janaayo 2021.

rrr motion poster

RRR waxaa looga hadlaa taariikh hore iyo sanadkii 1920 xiligii gumeysiga waqooyiga India ee ay ingiriiska gumeysan jireen iyo dagaaladii dhacay doorar dad halyeey ah oo xiligaas noloshooda looga hadli doono misane ay kala jilayaan Ram Charan iyo Jr.NTR.

Soo bandhiga muuqaalkan wax xaflad ah looma qaban si lama filaan ayaana saaka loosoo bandhigay maadama Rajamouli saacad gaar ah sheegin shalay waxuuna tilmaamay in guryaha la joogo qof walbana Online kudaawado muuqaalka yar ee RRR laga soo bandhigay.

Hoos ka daawo muuqaalka muujinaayo magacada Logo-da Filimka RRR iyo aragtiyada jilayaasha Filimkaan Ram Charan iyo Jr.NTR

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here