Yashvardhan Ahuja waa wiilka uudhalay Superstar Govinda oo ahaa shactiroolihii 90-maadkii Bollywoodka wiilkan ayaana la filaayey inuu Bollywood soo gali doono sida aabihiisna maqaam weyn gaari doono balse hader cabsi ayaa soo gashay inuu wiilkiisa waayo ayuuna ka walwalsan yahay.

Govinda shalay ayuu udabaal dagaayey sanad guurads filimkiisa Haseena Maan jayengi isla xalay abaarihii 8:30 waxaa shil baabuur galay wiilkiisa Yashvardhan Ahuja kaaso magaalka gaari usoo qaatay si uu usoo wareego ama waqti lumis balse nasiib xumo wadada Mumbai qeybta Juhu ayuu gaarigiisa shil ku galay xili gaarigiisa iyo mid kale isku dhaceen waliba si daran.

Wiilkan waa nasiib badan yahay hadii dhaawac halis ah soo gaarin inkastoo dhaawacyo fudud soo gaareen gaarigiisana afka hore ka bur buray hadana waxaa la xaqiijiyay inuu caafimaad qabo oo heer Hospital la dhigo uusan xaalkiisa aheyn.

Govinda waa inuu wiilkiisa ilaaliyaa xiligan la joogo xaalka waa halis waxuuna ku rajo weyn yahay inuu wiilkiisa Superstar ka dhigo inkastoo sheekadii is qaraabeysiga caruurta Bollywoodka lagu keenayey waqtigaan meesha ka baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here