Inaba caadi ma ahan wararka soo baxayaan ee kusaabsan kiiska jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput waxaan idiin la wadaagnay in jilaagan kaamirooyinkii qarsoonaa ee gurigiisa la damiyay hal maalin kahor inta uusan geeriyoonin.

Sido kale waxaan idiin la wadaagnay in xarigii daldalaada laga waayey farihiisa iyo guud ahaan gacmihiisa ileen qofka xariga uu isku dilo waa qasab in farihiisa laga helo labadaas arin ayaana aad shaki weyn u abuurtay tiiyo jirto hadana waxaaba guriga laga waayey furihii Copy-ga ahaa maadama labo furo gurigiisa lahaa.

Hadaba hader waxaan idiin wadnaa cadeymo kale oo sheegaya in Sushant la dilay ee uusan isaga is dilin hoos kaga bogo:

1-Sushant waxuu Rhea u sheegay in ay jiraan dad doonaya inee isaga dilaan waliba iyada darteed una hanjabeen inuu isaga haro gabadhaan hadii kale la dili doono maadama awood uusan laheed laga awood badnaa kana soo jeedo qoys iska dhex dhexaad ah qabiilkiisana laga tiro badan yahay.

2-Sushant iyo Rhea markee guriga kuwada noolaayeen waa lasoo weeraray maadama guurkooda uuso dhowaa August ilaa November inta udhaxeysa ayuuna arooskooda dhici lahaa hadaba si qorshahaas looga hor istaago weerar ayaa lagusoo qaaday hanjabaadna la socoto waana sababta kaliftay inee Rhea halkaas kasoo tagto hadii kale nafta Sushant ayaa lala bar bardhigay waayo waxay islahed hadaa baxdo wuu bad baada.

3-Rhea waxay masaxday ama tirtirtay guud ahaan sawiradii, muuqaaladii ay wadaageen iyada iyo Sushant ee Instagram-keeda kujireen waayo wey cabsatay wiilke jecleedna in la dilo ayee u cabsatay maadama loo caga jugleeyay si ay u bad baadiso naftiisa ayeena deg deg talaabadaas uqaaday.

Waxaa jireen dad kasoo horjeeday arooskooda sida xogta sheegeyso Police-kana ogaadeen balse hada waxaa lagu daba joogaa dadka Sushant dileen waliba sida qorsheysan ileen waxay sugaayeen in Rhea gurigaas kasoo guureyso kadibna tartiib ayee udileen waana qorsho laga soo shaqeeyay.

Waa qasab Rhea dadkaas inee wax ka ogtahay ugu yaraana calaamado lagu garan karo ka heyso dabcan weyba sheegtay ayaa macquul ah inta Police-ka ka shaacinayaan ayaa lasugaa waxaase fashil weyn noqon doono hadii dadkaas noqdaan xubno Bollywoodka katirsan.

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here