Tampa, Florida, oo ah magaalada marti galin doonto WWE WrestleMania 36, ​​ayaa heshay warar naxdin leh oo ku saabsan cudurka coronavirus ee dalka Mareykanka oo si toos ah u saameeyay magaalada.

Kadib laba qof oo ku sugan Manatee iyo Gobolka Hillsboroug ayaa laga helay cudurka, gudoomiyaha Florida Rob De Santis wuxuu soo saaray amar ah in xaalad deg deg la geliyo magaalada si caafimaadka bulshada loo ilaaliyo.

Guddoomiyaha DeS antis ayaa hore u shaaciyay in 15 qof laga helay cudurka fayraska gobolka Florida oo ah halka WrestleMania loo qorsheeyay inay ka dhacdo.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa soo saaray digniino ku saabsan imaatinka masiibada ka jirta Mareykanka ee Coronavirus in guud ahaan la joojiyo isku socodka dadka si loo xakameeyo Fayruska

WrestleMania 36 ayaa laga yaabaa inay la kulanto baajiskeedii ugu horreeyay taariikhda Stephanie McMahon iyo mas’uuliyiinta magaalada ayaa ka wada hadlay suuragalnimada in coronavirus-ka uu saameyn ku yeelan karo bandhigga ugu weyn ee sanadka ee WWE.

Waxaan Alle ka baryeenaa in uu na soo gaarsiin cudurkaan, Sidoo kale guud ahaan Umadda Islaamka Alle haka nabad yeelo.

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here