Sanadkaan 2020 Bollywoodka mid ay waligood xusaan ayuu noqon doonaa maadama qasaaro dhanwalba ah ay la kulmeen caabuqa Korona ayaa saameeyay shaqadooda fanka hindiya sido kale isla sanadkaan waxaa ka geeriyoodeen halyeey caan ah oo magac iyo maqaam kuleh Bollywood.

Superstar Sanjay Dutt ayaa laga cabsi qabaa isagaa inuu sanadkaan raaco dadkii tageen maadama laga helay cudurka dilaaga ah ee Kansarka wararkii udambeyeen ee kasoo baxayaan xaalada caafimadkiisa ma ahan mid ay ku farxeen taageerayaashiisa iyo qoyskiisa.

Dutt waxuu kujiraa isbitaal ku yaalo Mumbai waxaana la filaa in dibada loo qaado oo lagu soo daweeyo haderse mishiinka neefta siiyo sambabada ayaa kuxiran waxaana laga helay kansarka sambabada kudhaco heerkiisa seddexaad sidaan horey idiin kugu sheegnayba.

Balse hader arinta wey kasii dartay warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegayaan in xidigahaan heerka afaraad uu sii gaaray kansarka kudhacay waana halis weyn xili xaaskiisa shalay ay aad u wal walsaned kaa hadleysa caafimaadka seygeeda balse manta warka soo baxay oo sheegaya in xidigaan heerka afaraad uu tagay kansarkii kudhacay ayaa ah wax ay kasii wal walaan qoyskiisa iyo Bollywoodka.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here