Atariishada waayadaan calankeeda babanaayo ee Demet Ozdemir ayaa ku guuleystay isla markaasna badashay Neslihan Atagul kadib markii ay noqotay wajiga cusub ee shirkada Pantene u xayaysiin doono shaambada madaxa.

Neslihan ayaa kadib guushii uu gaaray taxanaheeda Kara Sevda noqotay wajiga shirkada Pantene u qaabilsan turkiga waxayna howshaas u heysay mudo 4 sano ah.

Balse haatan waxaa badashay atariishada Demet Ozdemir oo iyada noqotay wajiga cusub balse arinta layaabka leh ayaa ah in ay xayaysiintaan ku qaadan doonto sadax jibaar lacagaha ay Pantene ka qaadan jirtay Neslihan.

Neslihan ayaa qaadan jirtay 1 Million iyo 100,000 oo liiro balse Demet ayay qaadan doonto 3 Million oo liiro waana lacago sadax jibaar kabadan midka ay Neslihan qaadan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here