20 November 1998 waxaa la daawaday mid kamid Filimda Action Thrill-ka ah ee Bollywoodka sameyeen taariikh ahaan mashruucan waxaa hogaamiye ka ahaa Bobby Deol oo xiligaas awoodiisa meeshi ugu sareysay mareysay waxuuna ahaa xidig ka awood badan dhanka Box-office-ka waqtigaas atoorayaal maanta Superstars ah sida Ajay Devgn iyo Akshay Kumar.

Preity Zinta ayaa aqoonsi ku heshay Filimkaan waxaana Director ka ahaayen mataanaha Abbas-Mustan darajo ahaana Super Hit ayuu noqday maadama sanad guuradiisa xiliga la daawaday 21 sano laga joogo waxaan idiin heynaa xaqiiqooyin u gaar ah hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Album-ka heesaha iyo Music-daba waxay noqdeen Album-kii seddexaad ugu qaalisana sanadii 1998 daqli badan ayaana laga helay heesaha Filimkaan sida ay u gadmeen waa cajiib sidaa aawged heesaha Filimkaan ilaa maanta waa kuwa aad loo jecel yahay.

Xaqiiqada 2-aad: Preity Zinta Filimkaan waxay ku qaadatay abaal marinta Filimfare qeybta atiriishada Bollywood-ka ku cusub mida ugu wanaagsan aqoonsi ayeena mashruucan ku heshay inkastoo Filimkeeda kowaad uu ahaa Dil Se laakiin Filimka ay ku caan baxday aqoonsina ay ku heshay waa Soldier.

Xaqiiqada 3-aad: Filimkaan sheekadiisa waxaa laga soo xigtay dhacdo dhab ah oo dhacday Director Abbas ayaana ka sheekeyay in dhacdadan Punjab ka dhacday uu Filim ahaan ka dhigay.

Xaqiiqada 4-aad: Waa Filimkii ugu horeeyay ee Bobby Deol iyo Abbas-Mustann kawada shaqeyaan wixii Filimkaan ka dambeyay waxay ka howl galeen mashaariicda kala ah Ajinabee, Humraaz, Naqaab iyo Players.

Xaqiiqada 5-aad: Guud ahaan Filimkaan waxaa lagu duubay Australia iyo India.

Xaqiiqada 6-aad: Jilaaga Surej Oberio ee laadarka Filimka ah ayaa isbedel weyn isku sameeyay si uu kaga dhabeeyo doorkiisa Filimka sida inuj xiiray shaaribkiisa uu caanka ku ahaa isagoona xirtay baruuko madow iyo cadaan ka kooban.

Xaqiiqada 7-aad: Bobby Deol adeerkiisa Ajit Singh Deol iyo aabihiis Dharmendra waxay horey u sameyeen Filim magaciisa la dhaho Soldier Ajit waa aabaha dhalay Abhay Deol waana nin la dhashtay Dharmendra sidaa aawged labada Filim qoyskaan sameyeen magaca waa ka simanyihiin.

Xaqiiqada 8-aad: Markii Filimkaan Australia lagu duubaayey waxaa goobta filimka lagu duubaayey soo booqdeen kumanaan kun dad hindu ah oo ku noolaayeen Australia si ay u daawadaan qaabka Filimkaan loo duubaayo ayee goobta usoo buux dhaafiyeen.

Xaqiiqada 9-aad: Amrish Puri iyo Gulshan Grover ayaa saxiixdeen Soldier si ay laadiriin oga noqdaan hadana sababo aan la ogeyn ayee oga baxeen gabi ahaan mashruucan Dalip Tahil iyo Surej Oberoi ayaa lagu bedelay. ]

Xaqiiqada 10-aad: Bobby Deol Filimkaan timaha ayuu u reebtay maadama timaha uh iska jiray markuu Gupt sameeyay kadib waxuuna timaha u reebtau doorkiisa si uu oga dhabeeyo iyo muuqaalkii lagu bartay inuusan bedelin sifiican ayuuna usoo qurxiyay qaab dhismeed ahaan timahiisa Filimkaan.

Xaqiiqada 11-aad: Labo todobaad kadib markee Filimkaan ka daawaday waxaa hadana la daawaday Filim Hollywood ah oo magaca Soldier wato.

Xaqiiqada 12-aad: Atiriishada Rakhee ee Hooyada Bobby jileyso waxay Filimka kujilee haweeyney Asaay Wado waxaana xusid mudan in Filimka Baazigar ee ay Hooyada ugu jishay SRK sidaan oo kale Asaay u waday labada Filimna waxaa sameyeen Abbas-Mustan.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here