Waxaan idiin heynaa dhacdooyin hore oo Bollywood-ka soo mareen kuwaas oo dhaceen sanado ka hor waxayna isugu jiraan nolosha jilaayaasha iyo shaqooyinka aflaanta:

Bollywood in 2003 (June 8 – 14): Karishma Kapoor Oo Ku Dhacay Xanuunka Loo Yaqaan Qaamo Qanshiirquruxleyga Bollywood-ka qaamo qashiir ayaa ku dhacay micnaha quumanka ayaa barareen kadib markii infection kaga dhacay waxaana loo qoray inay shaqada ka nasato.

Karishma mudo 14-cisho ah guriga kama soo bixin waxaana waqtigaas la joogtay oo aan marnaba ka tagin hooyadeed Babita, waxaana dhacday in Karishma iyo hooyo Babita inaysan daawanin filimkii Main Prem Ki Diwani Hoonee Kareena Kapoor sameesay.

Ramya Krishnan Oo Guursatay: Atirishada Ramya Krishnan ayaa guursatay 11-kii June 2003 filim sameeyaha lagu magacaabo Krishna Vamsi, waxaana arooskooda kasoo qayb galeen marti kooban.

Aqriste Ramya Krishnan hadii aan fahmin waa atirishada filimka Baahubali 1 iyo 2 ku jileyso hooyada dhashay Prabhas iyo Rana Dagubbati ama boqorada ah.

Sushmita Sen Oo Dareen Hooyonimo Muujisay: Sushmita Sen ayaa amar la’aan kasoo tagtay duubista filimka Beewafa ee dalka Canada ka socotay, kadib markii loo sheegay in gabadha yar oo soo korsatay xanuunsan tahay isbitaal Mumbai ku yaalana la geeyay.

Inkastoo Sushmita aysan dhalin gabadha hada siweyn ayay ugu danqatay ayadoo fasax la’aantii duubistii filimka Bewaafa kasoo tagtay tikit-na soo goosatay weliba ficilkaas qarash gareeye Boney Kapoor siweyn ayuu uga carooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here