Waxaa xalay si lama filaan ah loo soo bandhigay goos gooska labaad ee taxanaha Hercai xalqadiisa 30-aad inaba caadi ma ahan xalqada oodhan waji kale ayee yeelatay sido kale taxanaha oodhan ayaa waji kale yeelanaayo.

Dhamaan wixii aan filaneynay wax ka duwan ayaa dhacayaan xalqada 30-aad oo cajaaibteda wadata, hadaba dhacdooyinka goos gooskan 2-aad halkaan hoose kaga bogo inkastoo uu aad u yaryahay.

Goos gooska ayaa ku bilaawanaayo Suldana oo qeylineyso misane Miiraan la hadleyso waxayna leedahay,” aniga dooxaha Kars kama imaan markaan soo noqonaayey daraad ee waxaan ka imid isbitaalka dadka maskaxda dhimirka ka qaba lagu xiro halkaasna ayeeyda Caziiza ayaa igu xirtay balse waa la igasoo bixiyay.”

Kadib waxaa lagu tusaa Miiran oo qof dabagalaayo waxuuna leeyahay”qofka gaarigaas saaran waa inaan daba galnaa oo aan soo ogaana qpfku yahay” waxayna ka daba qaadanayaan gaari kale waxaana Miraan la jiraan Reyyan iyo Suldana.

Sido kale Miiraan, Reyyan iyo Suldana isbitaalkii Suldana lagu xiray ayee tagayaan si ay wax usoo baaraan waana sababta ay dabagal ugu sameynayaan qofka gaariga saaran waxayna u badantahay inee ogaan rabaan qofka Suldana isbitaalka kasoo fakiyay.

Muuqaalka xiga waxaa laguugu tusaa Harun oo la hadlaayo Hanifa waxuuna leeyahay,”waxaan la yaabanahay waxa ay fali doonto Caziiza Aslanbey marke ogaato qof qoyskeeda kamid ah oo sameeyay arinkaan oodhan.”

Ma isaga ayuu kawadaa qofkaas mise Hanifa ayuu kawadaa makala cado hadalkiisa. Muuqaalka xiga waxaa laguugu tusayaa Gonul oo qeylineyso inee Miiraan ayeeydiisa cusub Sukran wax fahamsiisana isku dayeyso waxay leedahay gonul iyadoo qeylineyso,”eedo Sukran magaraneysa sababra qoys ahaan halkaan u degenahay misane oga soo guurnay Kars.”?

Gonul oo hadalka sii wadata waxay leedahay,”si aan oga aargoosano Hazar Sodolugu ayaan halkaan u imaanay sababto waxuu dilay adeer Maxamed Aslanbey iyo eedo Dilshaah” kadib Miiraan ayeeydiisa ayaa hadalka qabsaneyso waxaana goobta wada joogaan Miiraan, Reyyan, Caziiza, ayeeyda kale ee Sukran la dhaho, Suldana, Asmaa iyo Gonul.

Miiraan ayeeydiisa Sukran ayaa hadalka qabsaneyso waxayna leedahay,”dhalinyaradiina kaliya waxaad ogtihiin wixii halkaan ka dhacayaan balse ma ogidiin wixii dhacay markaa yaryareedeen ama intiinan dhalan kahor Asmaa wax walbo wey ogtahay balse ma hadli karto oo waxay u baqaneysa wiilkeeda in wax la gaarsiiyo oo wiil ayee leedahay.”

“Sido kale Suldana adigana wax walbo waad ogtahay hadana waad aamusantahay sababtana waa inaad gabar leedahay misane u baqaneyso gabadhaada laakiin aniga cunug aan dhalay halkaan ma joogo oo aan u baqanaayo.”

“Sisaa aawged runta ayaan sheegayaa waxaad ogaataan maxamed Aslanbey inuu yahay qofka gabadheyda Dilshaah Dilay” dhamaad goos gooska 2-aad halkaas ayuu kudhamaana xili Miiraan wajigiisa aad la yaabeyso sida uu u naxaayo wax maskaxdiisa kaweyn ayeena dhagahiisa maqleen markaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here