Inaba caadi ma ahan goos gooska laga soo bandhigay xalqada 30-aad ee Hercai waa mid aad u xiiso badan iyo djacdooyinkii loo baahna qaar kamid ah oo la arkay hadaba dhacdooyinka xiisaha leh hoos kaga bogo:

Goos gooska ayaa ku bilaawanaayo macalin Jabriil wiilkiisa oo la hadlaayo oday Nasuh waxuuna kudhahaa,”Nasuh Sodolugu waxaad tahay qof xun” kadib Nasu ayaa u jawaabayo waxuu dhahaa,”xadkaada hasoo gudbin wiilyahow.”

Waxaa lagu tusaa Miiraan oo fiigsan ama naxsan misane maqlaayo codleh “runta marwalba waa tii dibada timaada oo xaqiiqada ma qarsoonto” waxaana looga jeeda in isaga Miiraan ah maruun runta ogaan lahaa maantana hareerihiisa runta oodhan ay taalo.

Kadib waxaa lagu tusaa Hazar Sodolugu oo Talefan ku hadlaayo waxuuna balamina Furaat oo uu leeyahay,”waxaan rabaa inaan kula kulmo” markee kulmaan Hazar ayaa dhahaayo,”Furaat waxaan gacanta kuhayaa faraantigii macalin Jabriil iisameyay xiligii Dilshaah aan isla jirnay.”

Balse Furaat wuu kadiida arinkaa oo waxuu dhahaa,”kuma rumeysan karo oo ma aaminaayo waxaad sheegoysid” Hazar ayaa dhahaayo kadib,”hadee saas tahay orod oo hooyadaa Asmaa soo weydii iyada wax walbo wey ogtahay.”

Muuqaalka xiga waxaa laguugu tusaa Xaniifa oo baadi goobeysa warqadii Yaren guriga meel kaga qarisay waxaana usoo diray Harun oo dhahay guriga reer Sodologu warqad ayaa taalo deg deg iigu keen weyna u keene iyadoo kasoo bixineysa meeshii ay Yaren ku qarisay.

Haniifa markee Harun warqada u keento waxuu dhahaa,”aniga ma ahan qofka warqada aad siineyso ee qofkale ayaad siineysa warqadaan” kadib waxaa lagu tusaa Hazar oo dul joogaa qabriga Dilshaah misane madaxa heystaa aadna u murugeysan.

Waxaa imaanayaan goobta Miiraan iyo ayeeydiisa cusub xili ayeeydiisa ay weydiineyso wiilkeda iyadoo leh,”Miiraan ninkaan waa kuma” Miiraan isagoo ayeeydiis u jawaabayo waxuu dhahaa,”ayeeyo ninkaan waa ninkii dilay hooyadey iyo aabahey.”

Hazar oo aad u careysan dhirbaaxaayo Miiraan waxuuna dhahaa,” war aniga dilaa ma ahi mana dilin hooyadaa” kadib Miiraan ayaa biskoolad lasoo baxaayo ileen wuxuu ka xanaaqay dhirbaaxada kudhacday waxuuna biskooladii ku aadina Hazar oo hortiisa taagan.

Balse Hazar ayaa lasoo baxaayo warqad waxuuna udhiibaa Miiraan waxuuna leeyahay,”tani waa warqadii ay hooyadaa Dilshaah iisoo qortay akhriso aniga dilaa ma ahi” Miiraan ayaa warqadii akhrisanaayo halmar ayuu istaaga ka dhacaa markuu akhristo naxdin aawged lugahana dhulka wuu kucelin weynaa.

Dhamaad goos gooska halkaas ayuu kudhamanaa waa goos goos aad uxiiso badan xalqada 30-aad waa mid xiisaheeda wadan doonto jimcada markii la daawanaayo habeen sabti soo galeyso.

Maxaan ka baranay goos gooskan maxaayse filan doonaa xalqada 30-aad, Miiraan maxuu ogaaday, Harun yuu noqday dhamaan sharaxaad kusaabsan arimahan maqaalkeena xiga kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here